Guddoomiyaha cusub ee Guddiga doorashooyinka heer Federaal oo Kismaayo gaaray.

KISMAAYO-AYAAMAHA-Guddoomiye Muuse Geelle iyo wafdigiisa oo ka ambabaxay Muqdisho ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Guddiga doorashada Jubbaland Dr. Siyaad Maxamed Mursal iyo xubno kale oo ka tirsan Guddigaas.

Ujeedka Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal ee Kismaayo ayaa waxaa uu yahay sidii goobjoog uga noqon lahaayeen doorashada kuraasta lixda ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, kuwaasi oo Jadwalkooda xalay la shaaciyey.

Guddoomiyaha ayaa kulamo la qaadan doona Guddiga doorashada Jubbaland iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, iyagoona ka wada hadlin doona dardar-gelinta doorashada Golaha Shacabka.