Muqdisho-Ayaamaha-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamed Maxamud (Cumar Filish) ayaa amar ku bixiyay inta ka dhiman bisha December ee sanadkan looga baxo dhulka kooxda ciyaaraha ee Minishiibiyada.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa shalay waxaa uu booqday Garoonka Minashiibiya ee Magaalada muqdisho,halkaas oo qeyb ka mid ah ay degan yihiin dad Shacab ah,isaga oo sheegay in marnaba aan la ogolaaneyn in dhulalka danta Guud la iska deganaado.

“Soo celinta dhulalka danta guud iyo kan dadweynaha waa mid naga go’an waana qeyb kamid ah masuuliyada naloo igmaday sidaas darteeda waxaan amrayaa in 10 cisho gudaheeda looga baxo dhulka kooxda ciyaaraha ee Minishiibiyada, (Muqdisho City Clup) ayuu yiri”Duqa Muqdisho.