Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dalka dib ugu soo laabtay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxmed Nuur (Madoobe) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar qaatay afar cisho oo magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika uu uga qeyb galay shirweynaha 11-aad ee Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Afrika ee Pan-African Parliament.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee Magaaladda Muqdisho ku soo dhoweeyey qaar ka mid ah xildhibaanadda Golaha Shacabka ee BJFS, waxaana uu Guddoomiyuhu uga mahadceliyey soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa dalka Koonfur Afrika kaga qeyb galay shirka Baarlamaanka Afrika oo ka dhacay dalkaas.