Muqdisho-Ayaamaha-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa  magacaabay la-taliyaha dhinaca Arrimaha Bulshada ee Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Wareegtan ayaa Cabdifitaax C/llaahi Yuusuf loogu magacaabay inuu noqdo la-taliyaha dhinaca Arrimaha Bulshada ee Guddoomiye Maxamed Mursal.

Wareegtadan magacaabsita ah ayaa ku taariikheysneyd 4-ta Bishan November.

Cabdifitaah ayaa horey u soo noqday Guddoomiye ku-xigeenkii Maaliyadda Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoona markii dambe xilka qaadis lagu sameeyay.

Hoos ka Akhriso Wareegtada.