Guddoomiye Cumar Filish oo ka qeyb-galay madal caafimaad oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

Muqdisho-(Ayaamaha)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane; Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeyb galay madal Caafimaad oo ay soo qaban-qaabisay Agaasinka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowlada hoose ee Xamar.

Madashaan ayaa waxaa ka qeyb-galay madax kala geddisan oo ka kala socday maamulka Gobolka Banaadir, Wasaaradaha Caafimaadka, Maaliyadda, Dhalinyarada , Isboortiga  Ganacsiga, madaxda Ururrada Dhaqaatiirta, daneeyayaasha Caafimaadka, Rugta Ganacsiga, Shirkada Hormuud iyo marti sharaf kale.

Madashaan ayaa waxaa diiradda lagu saaray saameynta Caabuqa COVID19 uu ku yeeshay dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Banaadir iyo dedaalladii lagu bixiyay Wacyigelinta.