AFgooye-Ayaamaha-Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa waxaa Guddoomiye Cusub loogu magacaabay deegaanka Bariire ee Degmada Awdheegle.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Cumar Cabdi Xasan u magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha Cusub ee deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana halkaas dhawaan laga saaray dagaalamayaasha Al-shabaab oo in muddo ah gacanta ku haayay.

Ibraahim Adam Cali Najax ayaa guddoomiyaha Cusub ee deegaanka Bariire u rajeeyay in xilkaas alle u fududeeyo,isaga oo kula dardaarmay in Shaqadiisa uu si wanaagsan u guto.

Ujeedka Guddoomiye loogu magacaabay deegaanka Bariire ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay,kadib markii uu Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose garwaaqsaday in loo baahan yahay deegaankaas inuu helo maamul baahida Shacabka ka turjuma.

Hoos ka Akhriso Wareegtada.