MUQDISHO-AYAAMAHA-Iska hor imaad xalay ka dhacay Isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho waxa uu dhexmaray Ciidamo katirsan kuwa Dowladda ee ku sugan kontoroolka Tarabuunka iyo ilaalada Guddoomiyaha Degmada Hodan Cabdixakiin dhega-juun.

Lama xaqiijin waxa uu ka dhashay dagaalka, balse waxaa dhaawac gaaray askar ilaalo u ah Guddoomiyaha Degmada Hodan oo waxyeeladii gaartay looga daweynayo mid kamid ah isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa muddo kooban socday, waxaana kolkii dambe ku baxay Askar katirsan Ciidamada Dowladda, waxaana suuragashay in la qaado ciidamada ilaalada u ahayd Guddoomiye Cabdixakiin ee dhaawaca soo gaaray.

Laamaha ammaanka Dowladda wali kama aysan hadlin iska hor imaadka ka dhacay Degmada Hodan, sidoo kale ma jiro war kasoo baxay Maamulka Degmada Hodan iyo Taliska Booliiska Degmadaas.

Xiliga uu iska hor imaadka ka dhacay Isgoyska Tarabuunka waxaa yaraa isu socodka gaadiidka iyo dadka, lamana soo warrin waxyeelo gaartay dadka shacabka ee ka dhaw agagaarka goobta dagaalka uu ka dhacay.