MUQDISHO-AYAAMAHA-Dad isugu jira,dhalinyaro, Odayaal iyo Haween ayaa muddo kooban waxaa ay banaanbax ka dhigeen Taalada daljirka Daahsoon degmada Boondheere ee Gobolkan Banaadir,kaas oo la sheegay inay uga soo horjeedeen dowladda Soomaaliya.
Wararku waxaa ay sheegayaan in rasaas ayaa lagu kala eryay dad kii isugu soo baxay Fagaaraha Daljirka Dahsoon oo banaan bax ka dhigayay, kaasoo ay uga soo horjeedaan dowladda Federaalka.
Ciidamo fara badan ayaa la soo dhoobay fagaaraha Daljirka Dahsoon, waxaa la maqlayay rasaas ka dhacayay qoriga Dhashiikaha oo lagu kala eryaya dadka isugu soo baxayay fagaaraha oo qorshahooda ahaa banaan baxa.
Banaanbaxa ayaa loogu baaqayo Madaxweynaha Soomaaliya inuu Iscasilo, kadib markii ay sheegeen inuu ku fashilmay hogaanka Soomaaliya.
Guddoomiyihii hore degmada C/casiis Cusmaan Muxiyadiin Cariif oo ka mid ahaa horjoogayaasha banaan baxa ayay Ciidamada Booliska ka xireen fagaaraha Daljirka Dahsoon.
laamaha Ammaanka Soomaaliya weli kama hadlin banaanbaxaasI oo weli sirasmi ah ana loo shaacin dadka soo abaabulay,hayeeshee wararka qaar ay sheegayaan inay ka dambeeyeen Xubno kamid ah mucaaradka dowladda Soomaaliya.