Muqdisho-Ayaamaha-Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in xildhibaanada Golaha Shacabka Sanadkaan ay u yaallaan Shaqooyin badan, islamarkaana dhammaan laga doonaayo in ay soo xaadiraan.

Guddoomiye Mursal ayaa waxaa uu sheegay in Xildhibaanada Wasiirada ah fasax loo ogolyahay oo kaliya markii ay ku maqan yihiin Shaqo muhiim ah,bals hadii shaqo aysan  jirin looga baahan yahay inay soo xaadiraan kulamada.

Waxaa uu sheegay in uu ku amrayo dhammaan Xildhibaanada baarlamaanka ka tirsan ee Wasiiradda ah in ay soo xaadiraan kulamada xildhibaanada Golaha Shacabka.

Gudoomiye Mursal ayaa tilmaamay in tirrada Wasiirada ka tirsan Xildhibaanada ay aad u badan yihiin,isla markaana laga doonayo in markasto ay goobjoog ka ahaan kulamada.