Muqdisho-(Ayaamaha)-Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Raxmaan oo maanta hadal ka jeediyay xarunta Golaha shacabka ayaa shaaca ka qaaday in Maalinta Sabtida ah ee socoto Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ka doodi doonaan Xaaladda Ammaan ee dalka.

Arrintan ayaa ka dambeeysay kadib markii ay kordheen falalka amni daro ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Kalfadhigii baaqday ee kan ka horeeyey ayaa ku dhowaad 20 mudane ayaa waxaay saxiixeen Mooshin ay ku dalbanaayeen in si deg deg ah Golaha Shacabka ay kaga doodaan Ammaan xumida ka jirta dalka, islamarkaana lala xisaabtamayo Xukuumada Soomaaliya.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheeagaya in kalfadhiga dambe ee Barlamanka loo yeeri doono Hey’addaha ammaanka si wax looga weydiiyo Ammaanka Magaalada Muqdisho.