Muqdisho-(Ayaamaha)-Abdiraxman Cumar Cusmaan Yarisow Guddomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ayaa si adag u cambaareeyay falkii dilka loogu geystay wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa wadayaasha Mooto Bajaajka, marxuumkaas oo maanta lagu dilay Degmada Waaberi.

Guddoomiyaha ayaa ku tilmaamay wax laga naxo falkan foosha xun ee askari ka tirsan CiIdanka Ilaalada Deegaanka Xamar ee (Munishiibiyo) uu ku dilay wiil dhalinyaro ah oo nolol maalmeedkiisa raadsanayay.

Sidoo kale Duqa Muqdisho waxa uu carabka ku adkeeyay in aan loo dulqaadan doonin falalka nuucaan oo kale ah ee soo noq noqday muddooyinkaan danbe, asigoona xusay in uusan aqbali doonin in dhalinyaradeena shaqo abuurka sameystay ee bulshada u adeegaya in ay si micno darro ah ku dhintaan.

“Waxaan farayaa Hay’adaha Ammaanka in gacanta lagu soo dhigo shaqsigii ka danbeeyey dilka darawalka Bajaajlaha ahaa, si caddaaladda loo horkeeno, Maamulka Gobolka Banaadirna waxaa ka go’an in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado cid walba oo ku xadgudbaysa dhiigga muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada ku shaqaysa Bajaajka oo dilalkoodu soo noq-noqday”.