Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa amar deg deg ah kasoo saaray dhulkii ciidamadii Badda Soomaaliya iyo gurigii taliyaha ciidamada Badda ee degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Eng Yariisow oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa aqriyay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa, oo lagu amrayo dhamaan dadka degen dhismaha xaruntii ciidamada Badda Soomaaliya.

Wuxuu ku amray dhamaan dadka degen inay sida ugu dhaqsiyaha badan kaga baxaan dhismahaasi, isaga oo sheegay in loo badalay dhul Diblumaasiyad eed, maadaama uu ahaa dhul dan guud ah.

Yariisow ayaa Sidoo kale nasiib daro ku tilmaamay in saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka ay dabaqyo dhaadheer ka dhisteen xaruntii ciidamada Badda, isaga oo sheegay inaan la aqbali doonin.