MUQDISHO-AYAAMAHA-Afhayeenka golaha Federeeshiinka ee dalka Itoobiya Khayriya Ibrahim ayaa sheegtay si ka baxsan dastuurka dowlad kelitalis ah oo dhismeyso maadamaa ay dooneyn iney garab u noqoto, iney rabitaankeeda xilki afhayennimo ee ay haysay ay uga tagtay.

Khayriya oo ka hadashay xilka guddoomiyenimo iney ka tagto waxa ku kallifay: “Koox kelitalis ah oo malinwalba dastuurka dalka ku xadgudbeysa inaan la sii shaqeeyo diyaar uma ihi”, ayey tiri.

“Dowladda talada dalka Itoobiya hadda hayso waxay isku dayeysaa iney qodobbada dastuurka ay isku laaqdo si ay u kororsato mudda xileedkeeda.”

“Si ka baxsan dastuurka oo aan horay looga baran dalka Itoobiya ayey isku dayayaan in qodobbada dastuurka loo macneeyo ama wax looga beddelo

“Koox kelitalis ah oo malin-walba dastuurka dalka ku xad-gudbeysa inaan la sii shaqeeyo diyaar uma ihi.” ayey tiri.

Sidoo kale Khayriya ayaa intaasi ku dartay “Si ka baxsan dastuurka oo aan horay looga baran dalka Itoobiya ayey isku dayayaan in qodobbada dastuurka loo macneeyo ama wax looga beddelo.”

Ugu dambeyn waxa ay hoosta ka xariiday in dowladda hadda talada heysa ee Itoobiya ay dooneyso inay wax ka bedasho Dastuurka, si ay u sameysato muddo kororsi hor leh.

“Dowladda talada dalka Itoobiya hadda hayso waxay isku dayeysaa iney qodobbada dastuurka ay isku laaqdo si ay u kororsato mudda xileedkeeda.” ayey markale wareysiga ku tiri guddoomiyihii golaha aqalka sare ee Itoobiya.

Khayriya Ibrahim ayaa xilkan heysay muddo laba sano ah, iyadoona xubin ka ah xisbiga Tigrayga ee loo yaqaano TPLF.