Diinsoor-Ayaamaha-Wararka ka imaanaya degmada Diinsoor ee gobolka Bay ayaa sheegaya in Guddoomiyihii hore ee degmadaasi Ibraahim Maxamed Nuur Shigshigow uu isku dhiibay maamulka Koofur galbeed soomaaliya, kadib markii maalmihii dambe uu diidanayaa inuu dhiibo xilka laga qaaday.

Guddoomiye Ibraahin Maxamed Nuur Shigshigow oo watay Ciidamo daacad u ahaa isaga ayaa shalay dagaal xoogan gudaha Degmada Diinsoor kula galay Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

Degmada Diinsoor ayaa shalay waxaa ka dhacay dagaal mudo saacadaha ka socday degmadaasi waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku geeriyooday 7 ruux oo laba kamid ah ay yihiin Askar, halka 5 qof kalena  ay ku dhaawacmeen.

Dadka  ku sugan degmada Diinsoor ayaa sheegay in xaalada degmada hada ay tahay mid degan, islamarkaana khilaafkii jiray la dhameeyay.