Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo dalka dib ugu soo laabtay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo safar caafimaad ugu maqnaa dalka Turkiga ayaa Maanta oo sabti dib ugu soo laabtay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Prof Jawaari ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Ilyaas Cali Xasan iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, waxaana lagu soo soo daweeyey magaalada Istanbul oo markii hore xaalad caafimaad loogu qaaday.

Xaaladda Caafimaad Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa aad u wanaagsan, waxaana laga soo daaweeyay xanuunadii haayay ee marka hore sababay in dalka Turkiga loo qaado.

Si kastaba, marar badan ayaa guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya xaalado caafimaad dartood loo dhigay Isbitaalo ku yaalla magaalada Muqdisho, kadib xanuuno soo wajahay.

Prof. Jawaari ayaa inta aan Turkiga loo qaadin ayaa warbaahinta qaar waxaa ay sheegeen inuu geeriyooday markii uu galay xaalada halis ah balse Alle mahadiis waxaa uu dib u helay caafimaadkiisa. jawaari ayaa muddo badan waxaa uu u shaqeynaayey dowladnimada Soomaaliya tan ilaa dowladii dhexe ee Soomaaliya.