Muqdisho-Ayaamaha-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo xalay gudaha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay Guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saciid Cumar Xasan oo ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Kooxo hubeysan waxaa ay xalay ku dileen degmada Wadajir.

Wararku waxaa ay sheegayaan in dilka marxuumka loo adeegsaday Mindi ama Toorey waxaana weeraray labo dhalin yaro ah oo mindiyo ku hubeysan, waxaana la tilmaamay in gudoomiyaha uu isna watay Bastoolad.

Dilka kadib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo goobta ka qaaday Meydka Marxuumka,isla markaana waxaa ay sameeyeen baaritaano kooban oo ku aadan dilkaas,hayeeshee ma jiro weli cid loo soo qabtay falka.