MUQDISHO-AYAAMAHA-War haa soo dhacay ayaan sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal iyo Gud. Ku xigeenka Golaha shacabka Baarlamanka Soomaaliya C/wali Muudey ay xarunta Madasha Xisbiyada Qaran kulan kula leh Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran gaar ahaan labaddii Madaxweyne ee hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankaan ayaa looga hadlaya Xaaladda dalka gaar ahaan doorashooyinka sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta Madasha Xisbiyadda Qaran.

Waa kulankii labaad ay yeeshaan madaxda xisbiyada qaran iyo guddoonka baarlamaanka soomaaliya oo ay uga hadlayaa doorashooyinka soomaaliya iyadoo weli laysku afgaran nooca doorasho ee dalka ka dhici doono.

Madasha xisbiyada qaran ayaa aad uga wel welsan dib u dhaca la sheegay in doorashada ay ku imaan doonto, iyadoo guddiga doorashooyinka ay sheegay in muddo 13 billood ah la siiyo si ay doorasho uga qabtaan dalka.