Guddoonka Barlamaanka Hirshabeelle Oo Fariin Cusub U Diray Xildhibaanada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa Maanta kulankii 14-aad kal-fadhigiisa 1-aad ku yeeshay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha  Dhexe, iyadoo kulanka uu shir Guddoomiyey Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka.

Ajendaha kulankaas Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa qeybinta iyo akhrinta xeer hoosadka Baarlamaanka Maamulka, waxaana Xildhibaanada kahor Akhriyay Xoghayaha Guud ee Golaha Cabdiwahaab Maxamed Xuseen.

Xoghaye Cabdiwahaab Maxamed ayaa Akhriyay Cutubka 1aad oo ka kooban 10 Qodob iyo Cutubka 2aad oo ka kooban 7 qodob oo dhammaantod ah xeer hoosadka  Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Ugu dambeyn kusimaha Guddoomiyaha Baarlamanka ahna Gudoomiye ku-xigeenka 1aad Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa soo xiray Fadhiga, isagoo Xildhibaanada ku wargeliyey in akhrinta xeer hoosadka sii socon doono ilaa laga dhameyo Cutubyada iyo Qodobada uu ka kooban xeer hHoosadka Baarlamaanka.