Muqdisho-Ayaamaha-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarunta aqalka dowlada hoose Xamar kulan kula qaatay Ergayga Midowga Africa u fadhiya Soomaaliya ee Francisco Mandeira.

Masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir iyo Amisom ayaa kawada hadlay sugida amniga Caadimadda, la ladagaalanka Al-Shabaab iyo u diyaar garoowga arimaha doorashooyinka soo socda.

Duqa muqdisho ayaa dhawaan waxa uu waday kulamo uu la qaadanayay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir,saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo madax kale,isaga oo kala hadlayay Arrimo la xiriira Amniga Caasimadda.

Kulanka ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa ku wehlinayay Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Maamulka iyo Maaliyadda Ibraahim Mahadalle, Guddoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab iyo Xubno kale.