Muqdisho-Ayaamaha-Magaalada Muqdisho Waxaa xalay lagu qabtay shirka amniga Caasimadda, kaas oo ay iskugu yimaadeen Taliyaasha Ciidamada qalabka sida iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa waxaa Shir guddoominayey Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow, waxaana la sheegay in diiradda lagu saaraay arimaha amniga magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Guddoomiye Yariisow oo ka hadlaayey kulan ayaa waxaa uu sheegay in ciidaada amaanka ay gacanta ku dhigeen Shaqsi lagu Magacaabo Bishaar Cabdirisaaq Maxamed oo u xiray Haweeneey meydkeeda laga helay Hotelka Caamir oo u dhow Isgoyska Baar Ubax taas oo lagu Magacaabi jiray Suleeqo Yuusuf Axmed.