GAROWE-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa  faah faahin ka bixiyay qodobada looga hadli doono Shirka la filayo in Madaxda Maamul Goboleedyada ku yeeshaan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Madaxweyne Deni oo warbaahinta kula hadlay Gaalkacyo ayaa waxaa uu sheegay in shirkaas uu dhici doono 9-ka bishaan looga hadli doono Arrimo kala duwan oo ay ugu waaweyn yihiin Arrimaha Doorashooyinka dalka, xalinta Khilaafyada jira iyo Arrimo kale.

Dhanka kale madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan  in uu hareermaray dastuurkii lagu heshiiyay maadaama uu dafiray Shaqadda Aqalka Sare.

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Deni  in ay waajib tahay in labadda Aqal ay wada shaqeeyaan, islamarkaana ay iska kaabayaan ayna iskorjoogteeyaan.

Guddoomiye Mursal ayaa dhawaan sheegay in golaha shacabka ay sharciyan leeyihiin hoggaaminta doorashooyinka dalka, isla markaana ay waajib tahay in afartii biloodba mar uu hor yimaado guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, balse uusan jirin sharci ku khasbaya inay hor tagaan Aqalka Sare.

“Doorashooyinka iyo guddiga diiwaan gelinta sharciga axsaabta siyaasadeed golaha shacabka ayaa iska leh, waxaan rabaa in aad ku baraarugtaan, maadaama dastuurka uu ku jiro dib u eegis, in badana uu khilaaf ka dhaxeeyay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, anaga ayaa waxaan go’aansanay si loo helo wadajir in Aqalka Sare aan dhahno wax uusan dastuurku siineyn nagala shaqeeya, laakiin qodobka 47-aad markaa akhrisaan Aqalkaan ayaa iska leh shaqadaas,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Mursal.