Gudoomiye Cumar Filish oo Ka hadlay Xaalada Cakiran ee …..

MUQDISHU-AYAAMAHA-Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Filish Maxamuud Maxamed Filish ayaa sheegay in marxaladaha hadda lagu jiro ay tahay mid adag oo isqab qabsi ah.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in dadka kunool Gobolka Banaadir looga baahan yahay in aysan qeyb ka noqon oo ku mashquulin is qabqabsiga siyaasadeed ee  jira iyo doodaha doorashooyinka.

Guddoomiyaha oo xariga ka jaray Suuq laga furay degmada Deeyniile waxaa uu ugu baaqay Shacabka Muqdisho inay sigaar ah isaga xilsaaraan Amniga, Nadaafadda igo bilic dhiska iyo xasiloonida Ummadda

” Khilaafkii iyo mushkilad kasta oo soo martay Magaalada Muqdisho waxaa ay aheyd mid abuurtay macluul daran, Amni xumo iyo mid isku socodkii iyo noloshii meesha ka saartay, wuxuina ugu baaqay dadka reer Muqdisho inay dantooda gartaan.

Hadalkan kasoo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duwa Muqdisho Cumar Filish ayaa kusoo aadaya xilli Maanta Muqdisho siweyn looga dareemay xiisadda u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble.