Diinsoor-Ayaamaha-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Abuukar Cabdi ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Degmada Diinsoor, isagoona maamul cusub u Magacaabay.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiir Maxamed ayaa waxaa Guddoomiyaha Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay loogu magacaabay inuu noqdo Cabdisalaan Xaaji Siidow, kaasi oo bedelaya Guddoomiyihii hore ee degmadaas.

Sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Degmada Diinsoor ayaa loo magacaabay Aweeys Cali Siidow, halka Guddoomiye ku-xigeenka Arimaha Bulshada degmadaas laga dhigay Abshir Macalin Shariif.

Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa Mas’uuliyiinta Cusub faray inay shaqadooda u gutaan si hufan.