Muqdisho-Ayaamaha-Gudoonkqa Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Guddi xaqiiq raadin ah u diray warbixin la xiriirta sida ay u dhacday xayiraadii 25-ka Bishaan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde lagu saaray Xildhibaanad Daleys Xasan Aadan, xili ay kusii jeeday Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Gudoomiyaha Mursal ayaa Guddiga ka dalbaday in baaritaano lagu sameeyay sababta keentay xildhibaan loo diido in uu aado degaankii laga soo doortay, islamarkaana Garoonka Muqdisho lagu xayiro.

Ciidanka hay’adda nabadsugida ee NISA ayaa xayiraad waxaa ay saareen Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka xili ay ka dhoofi laheyd Garoonka Aadan Cadde.

Warqad qoraal ah oo ka soo baxday Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo loo diray Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha ayaa lagaga dalbaday in muddo labo todobaad gudahood Baarlamaanka ku hor-keenaan warbixin dhameystiran oo ku saabsan xayiraadii lagu sameeyay Xildhibaan Daleys Xasan Aadan.