Beledweyne-Ayaamaha-Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa ogolaaday inuu xilka areejiyo waxaana maanta lagu wadaa in xilka uu ku wareejiyo Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan, Cali Muxumed Caraale.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle oo bishii June xil ka qaadis ku sameeyay Yuusuf Dabageed, soona magacaabay gudoomiye cusub ayaa waxaa taasi si adag uga horyimid Yuusuf Dabageed, iyadoona xil ka qaadistiisa uu ku sheegay mid aan sharciga waafaqsanayn.

Xil ka qaadista Dabageed oo xiisad ka abuurtay Magaalada Baledweyne ayaa sababtay iska horimaad uu ku dhintay Taliyihii Booliska Gobolka Hiiraan, Gaashaanle Dhexe Maxamed Macow Xalane.

Masuuliyeen ka tirsan dowladda Somaliya iyo waxgaradka Gobolka Hiiraan oo u istaagay xal u helidda khilaafka gobolka ku soo kordhay ayaa ku guuleystay in Yuusuf Dabageed ay ku qanciyaan in xilka uu wareejiyo.

Xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ee xalinta khilaafkan u joogay Magaalada Baledweyne ayaa sheegay in is afgarad uu ku soo dhamaaday waan-waantii ay u jooggeen magaaladaasi.

Xildhibaanka ayaa ka dhawaajiyay in Sabtida maanta ah uu xilka wareejin doono Yuusuf Dabageed, isla-markaana ay xil wareejintu ka dhici doonto Xarunta Gobolka Hiiraan.