Muqdisho-(Ayaamaha)-Sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee REUTERS  Guriga Madaxweynihii hore ee Dalka Suudaan Ee Xabsiga ku jiro Cumar Al-Bashiir ayaa laga helay lacago Malaayiin Dollar ah taasoo weliba aheyd lacago kala duwan.

Xeer ilaalinta dalka Sudan ayaa bilowday baaritaan uu ku sameynayo Madaxweynaha xilka laga tuuray Cumar Xasan Al-Bashiir, kaasoo loo haysto eedeymo ah inuu si sharci-daro ah lacago u haystay lacago badan.

Sida ay sheegeyn illo wareedyo ka tirsan Sirodonka  Milliteriga Dalka Suudaan hoyga Cumar Xasan Al-bashiir ayaa laga helay shandado ay ku jiraan in ka badan 351,000 oo Dollar, 6 million oo Lacagta Euro iyo 5 million ee Giniga dalka Suudaan taasoo noqotay arrin aad looga hadal hayo dhammaan Dalka Suudaan.

Lacagtaas ayaa haatan waxaa lagu shubay Bangiga Dhexe ee dalkaasi Sudan.

Mr Al-Bashiir ayaa la dhigay xabsi kaddib markii xilka laga qaaday 9 maalmood ka hor kaddib bilooyin ay socdeen dibadbaxyo isaga loogaga soo horjeeday.

Sidoo kale al-Bashiir waxaa laga doondoonayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee loo soo gaabiyo ICC, taasoo u haysata eedo ah inuu galay dambiyo dagaal iyo inuu xasuuq gaystay.