Beledweyne-Ayaamaha-Manta oo khamiis ah waxaa lagu wadaa in gurmad la gaarsiiyo deegaano ka tirsan gobolada dalka oo fatahaad uu ka sameeyay Webiga Shabeelle iyo Jubba isla markaana saameyn ku yeesha qoysas fara badan.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo xubin ka ah Guddiga Qaranka ee gurmadka fatahaadaha ayaa sheegay in gurmad ballaaran uu Maanta gaari doono magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Gurmadkan qeybtiisa ugu weyn waxaa manta la gaarsiin doonaa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan oo fataad uu sameeyay webigu sababtay in dadku ay ka barakacaan magaalada kadib markii ay guryahooda Biyo ugu soo galeen.

Dowladaha Qatar, Turkiga iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa la sheegay in dhankooda ay gacan ka geysan doonaan kaalmo gaarsiinta dadku ay fatahaaduhu saameeyeen.