Habraaca Xallinta Khilaafaadka Doorashada Aqalka Sare Ee Oo La Shaaciyay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga xallinta khilaafaaadka doorashooyinka dadban (GXKHDD) ayaa soo saaray habraaca xalinta khilaafaadka Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka iyo shuruudaha cabashooyinka Aqalka Sare.

Qoraal ay soo saareen Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiga uu cabasho u soo gudbin karo oo kaliya Murashax soo buuxiyay shuruudaha Musharaxnimada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la diiwaan-geliyay.

Guddiga xallinta khilaafaaadka doorashooyinka ayaa tilmaamay in Cabasho u soo gudbin karaan Xildhibaanada dowladaha xubnaha ka ah dawladda Federaalka iyo xubnaha Ergada loo xulay in ay u codeeyaan tartamayaasha Aqalka sare ee Somaliland.

Sidoo kale Guddiga ayaa soo bandhigay Bankiyada gaar ka ah ay leeyihiin oo loogu tala-galay in Musharaxiinta u tartameysa Aqalka Sare ee Baarlamaanka ku shubaan lacagta is diiwaan-gelinta.