MUQDISHO-AYAAMAHA- Maanta oo khamiis ah ayaa Golaha Wasiirada Soomaaliya waxaa ay ka shireen arrimaha doorashooyinka, iyadoo la isku soo qaaday hababka doorasho ee ay soo bandhigtay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka.

Wasiiro qaar ayaa waxay soo jeediyeen in Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdi u hoggaaminayo ay tagaan Dhuusamareeb, halka qaar kalena ay sheegeen in laga war sugo shirka Madaxda dowlad goboleedyada maadaama iyagaba ay diideen shirkii uu ku casuumay Madaxweynaha.

Intaas kaddib Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad dheer ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka, isagoo xusay in doorasho la isla ogol yahay oo heshiis lagu yahay ay dalka ka dhaceyso, ayna talo ku leeyihiin dhammaan dowlad goboleed iyo dhinacyada kale ee siyaasadda, isagoo meesha ka saaray muddo kororsi, waxaana uu intaa raaciyay in shirarka dambe ee Golaha Wasiirada diiradda lagu saarayo arrimaha doorashooyinka.

Inta badan siyaasiyiinta iyo mucaaradka ayaa aad usoo dhaweeyey hadalka Ra’iisul wasaaraha ee ahaa in doorashada ay waqtigeeda ku dhacdo.