Hal arrin oo sababtay in Soomaali badan laga soo tarxiilo dalka Canada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa soo badanayaa tirada Soomalida dowladda Canada sheegtay inay dalkeeda ka masaafurinayso sababo la xiriira xagga sharciga.

Qaar ka mid ah Somalidaas oo lagu eedeeyay inay qariyeen aqoonsiga Kenya oo ay haysteen waxaana hadda dowladdu sheegtay inay celinayso halka kuwa kale go,aan sugayaal yihiin.

Qaar kamid ah dadkii ay go’aamisay dowladda Canada in dalka dib looga celiyo ayaa haatan sugayaa go’aanka kama dambeysta ah, waxay dowladda tallabaadaas uga laabtay markii Soomaalida ay sameeyeen isu soo baxyo ay uga soo horjeedaan in dadkaas aan lagu celin Soomaaliya.

Laga bilaabo sanadkii 2015 waxaa soo badanayay tirada Soomaalida ah ee laga musaafurinayo Canada, tirada Soomaalida laga soo tarxiilayo Canada ayaa sanadkii 2020 gaartay 61, halka sanadkan ay gaari karto 77 qof.

Maxamed Doolli oo ah garyaqaan Soomaaliyeed oo in ka badan 25 sano ka hawl galayay magaalada toronto ee gobalka Ontario ayaa BBC u sheegay in qofka Soomaaliga ah ee lagu helo baasaboorka dal kale oo nabad ah isla markaana ku anddoocanayo in Soomaaliya uu ka yimid uu wajahi karo musaafurin maadama la xaqiijiyay in sharci dal kale oo aan Soomaaliya aheyn uu kusoo galay Canada.

“Xaaladaha nagu soo kordhay ee ku saabsan qaxootiga Soomaalida ah ee loo diiday sharciga ama laga ceshtay, waxyaabo badan ayaa keeni kara, waxaa dhici karta in qofka uu baasaboor Kenya kusoo galay uuna sheegtay in uu yahay qaxooti Somaaliyeed , dad baa sidaas sharciga ku qaatay kadib baaritaan dheer lagu soo ogaaday in qofkaas uu heystay sharciga Kenya .. qofka qaxootinimada uu sheegayo mid sax ah ma yahay mar haddii uu raadka been soo galo wax kasta been ayay noqonayaan..marka lasoo ogaado sharciga ayaa lagala noqdaa, been baa noo sheegtay baa lagu yiraahdaa”

Sidoo kale waxaa jirtaa Soomaali soo gashay Canada oo lagu helay inay heysteen sharciyada Yurub kadib markii ay sheegeen inay qaxooti yihiin isla markaana ay doonayeen in magangelyo ay siiso dowladda Canada.

“Mararka qaar waxaa dhacdaa qofka Mareykanka soo maray ama Mareykanka deganaa oo sharciga loo diiday, Canada marka uu soo galayo hadduu sheegin sharciga haddii la siiyay waa lagala noqonayaa, qofkii Mareykanka soo mara ama Yurub soo mara oo Canada iska dhiiba waxaa lagu oranayaa waxaad soo martay waddan sharci leh oo qaxootiga qaata oo ammaan ah” ayuu yiri garyaqaan Maxamed Doolli

Garyaqaanka wuxuu qabaa in shuruucda caalamiga ah ay kasoo horjeedo in qof loo musaafuriyo dal aan amni aheyn, “Badanaa qof Soomaali ah oo loo aqoonsaday qaxooti ama in uu dambi weyn ka galay Canada mooye , qofkaa badanaa Soomaaliya looma dhoofiyo”