Muqdisho-Ayaamaha-Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa 28 Bishii hore Ee Janaayo ka baxsaday Xabsi ku yaalla Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaaliya.

Xabsigaasi waxaa gacanta ku heysay Dawlada Federaalka Soomaaliya waxaana C/rashiid Janan markaas uu ku eedeysanaa inuu tacadiyo dilal ah ka geystay Gobolka Gedo.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow oo kusugan Dubai Dalka Imaaraat-ka Carabta ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin khaladkii dhacay markii uu baxsanayey Wasiir janan inaan mar dambe dhicin.

Wasiirka waxa uu hoosta ka xariiqay in Halis badan ay taas abuuri karto oo xubno kale ay baxsan karaan iyagoo maraya wadiiqadii uu isticmaalay C/rashiid Janan,hayeeshee Wasiir Isloow ayaa sheegay inay ka feejigan yihiin arintaas inay dhacdo.

Wasiirka waxa uu ka dalbaday mar kale Dawlada Kenya inay usoo gacan geliso Wasiir Janan Oo Dalkeeda uu kusugan yahay ama ay si sahal ah ku qaban karto.

Ugu dambeyn waxa uu Wasiir Ducaale sheegay inay tani qeyb ka tahay in Xeerarka Caalamiga la qaado iyo Deris wanaaga Kenya iyo Soomaaliya ka dhaxeysa.