Halku dhigyadii Kheyre “Waa markii ugu horreysay”, iyo Rooble “soo dhowaada”,

MUQDISHO-AYAAMAHA-Muddo kooban uu xilka joogo Raysulwasaare Maxa’ed Xuseen Rooble wuxuu sameeyay sumcad siyaasadeed oo ballaaran, waxa uuna u muuqdaa inuu yeeshay taageero bulsho, si fudud ayuuna ku kasbaday dad u badan dhallinyaro, waa si u dhiganta bilowgii uu Xasan Cali Khayre kusoo galay fagaaraha siyaasadda markii uu si lama filaan ah u magacaabay maalmo kooban kadib doorashadiisii madaxweyne Farmaajo.

Maalmihii ay jireen xasaradaha siyaasadda la xiriiray ee Muqdisho ka dhacay, Rooble wuxuu ciyaaray kaalin nabadeed oo noqotay midda uu ku helay sumcadda siyaasadda ee uu hadda leeyahay.

Marka la eego Raysulwasaarihi xilka uga horreeyay iyo isaga waxaa u dhexeeya farqi weyn oo la taaban karo.

▪Maxamed Xuseen Rooble waa nin Af-gaaban, halka Xasan Cali Khayre uu ahaa nin isku muujiya fagaara ka hadalka, bixiyana awaamiir badan oo qaarkood aysan illaa iyo maalintii uu xafiiska ka tegay la fulin.

▪Raysul wasaare Rooble wuxuu dabacsanaan u muujiyay mucaaradkii ka aragtida ahaa nidaamka uu ka tirsanyaay, halka uu Xasan Cali Khayre uu si dadban u muujin jiray daldaloollada, garabyada siyaasadda dowladda ku mucaaradka ah.

▪Xukuumaddii Khayre waxaa ku badnaa isticmaalka Erayga “Waa markii ugu horreysay”, halka Rooble uu leeyahay halku dhigga “soo dhowaada”, micnaha labada weedh waxaa u dhexeeya farqi weyn oo ballaaran, kana kala turjumaya laba marxaladood.

Inkasta oo labada Raysul wasaare ee uu wada magacaabay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, haddana, mas’uul kasta wuxuu yeelan doonaa sooyaal siyaasi ah oo ay ku xusuusan doonaan bulshada Soomaaliyeed, laakiin, Rooble waxaa weli horyaalla “shaqo guri” oo ah sida Xukuumaddiisu ay hir-geliso doorashooyin hufan oo lagu qanci karo.