Muqdisho-Ayaamaha-Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya maamul goboleedka Jubbaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa khalkhal galinaya dadaalka ay beesha caalamka ugu jirto sidii xasiloonida loogu soo celin lahaa waddankan ku yaalla bariga Afrika.

Muranka u dhaxeeya labada dhinaca oo muddo dheer soo jiitamayay ayaa hadda u muuqda inuu sii qota dheeraaday, wixii ka dambeeyay markii ay bishii August magaalada Kismaayo ka dhacday doorasho dood badan dhalisay.

Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” ayaa dib loogu doortay xilka madaxweynaha Jubbaland, tallaabadaas ayaana kasii careysiisay mas’uuliyiinta dowladda dhexe, oo doonayay inay la socdaan habsami u socodka hannaanka doorashadaas.

Dib u doorashada Axmed waxaa gaashaanka u daruurtay wasaaradda arrimaha gudaha ee heerka federaalka, waxaana sidoo kale ka biyo diiday labo hoggaamiye siyaasadeed oo gobolkaas kasoo jeeda, kuwaasoo iskood ugu dhawaaqay inay madaxweyneyaal ka yihiin Jubbaland.

Khilaafkan ayaa dhinaca kale wiiqay xiriirkii dowladaha Kenya iyo Itoobiya, gaar ahaan wadashaqeyntooda dhinaca milatariga ee qeybta ah howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya(AMISOM)