Muqdisho-Ayaamaha-Hawada Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa maanta iyo caawa wax badan iska bedeleen waxaana is qabsaday Dabeelo iyo boor.

Hawada Magaalada oo dhan ayaa sacadaan waxaa ay tahay mid qiiq iyo ceeryaamo ka jirto, ilaa iyo hadda lama garanayo waxa keenay qiiqaan.

Dadka ku nool magaalada muqdisho ayaa ka falceliyey arintaan layaabka leh ee horay looga baran waxaana dadka ay sheegayaan inay joogi waayeen goobahooda ganacsiga iyo xitaa guryaha qaar ee jiingadaha ka.sameysan.

Hoos ka akhriso dadka qaar ee ka falceliyey arintan ku cusub magaalada muqdisho.

“Sariirta ano jiifo ayaa caro indhaha iga gashay”

“Walahi caawa waa yaaab aniga oo goobteyda shaqada ka soo baxay markaaan xaafada soo garay waxey dadku i moodeen in aan god ka soo baxay”

“Dabeyl iyo boor ayaa halmar wada qabsaday degmada, jiingad kaligeed iska buubeyso qofkii kiicaato ahna haba sheegin”

Weli lama oga isbedelka kuyimid hawadda Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.