MUQDISHO-AYAAMAHA-Haweeney u dhalatay dalka Faransiiska ayaa lagu xiray Hindiya kaddib markii ayadoo qaawan ay muuqaal isaga duubtay buundo “Muqadas” ah oo ku taalla magaalada Rishikesh ee waqooyiga Hindiya.

Muuqaalka lagu duubay buundada Lakshman Jhula, ayaa la soo dhigay baraha bulshada.

Haweeneydan ayaa lagu qaadi doonaa sharciga internet-ka ee Hindiya, haddii eedda lagu helana waxay wajihi doontaa saddex sano oo xabsi ah.

Buundada oo marta webiga Ganges ayaa ah meel “barakeysan” waxay caan ku tahay dalxiisayaasha.

Haweeneydan, oo damaanad lagu sii daayay ayaa booliiska u sheegtay in muuqaalkaas loogu talogalay in lagu xayeysiiyo ganacsigeeda dahabka.

Booliiska ayaa sheegay in waxyaabahan laga yaabo inaysan Faransiiska dembi ka ahayn, balse buundadaasi ay tahay mid barakeysan.

Haweeneydan, oo aan magaceeda la shaacin, ayaa Khamiistii la xiray kaddib amrkii booliiska lagu wargeliyay muuqaalka.