Muqdisho-Ayaamaha-Ra’iisul wasaraha dalka Britain, Boris Johnson, ayaa booqday deegannaada ay ka dhaceen fatahaadaha dalkaas.

Johnson oo booqday Koonfurta Yorkshire wuxuu halkaas kula kulmay qaar ka mid ah dadkii ay saameynta ka soo gaartay fatahaadaha, si uu u qiimeyo dhibaatada ay fatahadda geysatay iyo waxa ay dowladda ka caawin karto.

Hasayeeshee ra’iisul wasaare Boris Johnson, markii uu booqday deegaankaas waxaa canaan kala dul dhacay haweeney careysan oo u muuqatay in aysan ku qanacsaneyn qaabka ay dowladda wax uga qabatay fatahaadaha.

Haweeneydan ayaa ra’iisul wasaaraha ku tiri: “Kuma faraxsani in aan kula hadlo, haddii aadan ka xumaaneynin, waxaan sii wadanayaa shaqada an haayo”.

Waxaa kale oo ay ku canaanatay in aysan wax gargaar ah ka helin dowladda, oo aysan dooneyn in ay aragto ra’iisul wasaaraha. Haweeneydaas ayaa isagoo taagan ka dhaqaaqday.

Mr Johnson ayaa sheegay in uu dareemayo ”dhibaatada aan la dhayalsan karin ee daadadka ay sababikaraan”.

Markii uu Ra’iisul Wasaaraha weydiiyay haweeneyda inay jirto wax uu ku caawin karo, waxay ku jawaabtay ” Waad soo daahday”.

Waxaa kale oo uu sheegay in dowladdu ay dooneysay inay wax badan ka qabato arrintan oo qalab lagaga hortago fatahaadaha ay dooneyso in halkaas ay geyso.

.

Qaar ka mid ah dadka deggan degaannada ay daadadka ku fataheen ee dalka Britain, ayaa laga yabaa inay guryahooda ka maqnaadaan illaa seddex isbuuc, si looga hortago khatarta, biyaha na looga saaro guryihii ay deganaayeen.

Guddoomiyaha Magaalada Doncaster ayaa sheegay in 1,900 oo ruux la badbaadiyay, iyadoo saameynta ugu daran ay ku yeelatay degaanka Fishlake.

200 oo cidan ayaa tagay Koonfurta Yorkshire, si ay uga qeyb qaataan gargaarka loo fidinayo dadka ay saameyeen fatahaadaha.

Xilli u ka hadlayay Warwickshire maalintii Arbacada wuxuu Mr Johnson sheegay “in Britain ay u baahan tahay inay maalgashi ku sameyso qalabka lagaga hortagi karo oo waqti dheer shaqeeya”.

Ku dhawaad 500 oo qoys oo ku sugan Magaalada Doncaster ayay daadadku saameyeen, halka hanti badanna laga daad gureeyay deegaannada ay fatahaada ku dhufteen.

Ra’iisul wasaare Johnson ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in taageero ballaaran ay xukuumadda la garab istaagi doonto dadka ay aafeeyeen daadadka, ka dib kullan uu la qaatay guddiga xaaladaha degdegga.

Ballanqaadkan ayaa imanaya xilli asxaabta mucaaradka ay ku baaqeen in “xaalad qaran” lagu dhawaaqo.