Muqdisho-Ayaamaha-Haweeney kamid ah Bulshada ku nool magaalada muqdisho ayaa wararka na soo gaarayaa waxaa u sheegayaa in askari ka tirsan ciidanka dowladda ay ku dishay Magaalada Muqdisho.

Ciidamadda Amaanka Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Haweeney askari ka tirsanaa Ciidamadda Dowlada Soomaaliya ku dishay muqdisho.

Falkaan ayaa ka dhacay Degmada Dharkiinley ee Gobolkaan Banaadir,waxaana aad uga argagaxay falkan dadka deegaanka

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, Haweeneyda ayaa askariga ugu taktay isaga oo fadhiya ilinka hore ee Saldhiga Degmadda Dharkinley halkaasi uu waardiye ka ahaa galinkii dambe ee shalay.

Haweenayda ayaa soo qabsatay qorigii uu lahaa askariga, kadibna xabad ayey ku dhufatay askariga oo sidaasi ay nafta kaga baxday.

Ilaa haatan lama oga sababta keentay aritaan,iyo waxa dhexmaray Haweenayda iyo askarig dishay,waxayna haatan ku xiran tahay Saldhiga Dharkinley.