Muqdisho-Ayaamaha-Xog gaar ah aan helnay ayaa sheegaysa in ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda Somalia ay howlgal ay sameeyey taddobaadkii hore ka dhacay Muqdisho lagu soo qabtay haweeneey sarkaal sare ah oo ka tirsan madaxda Al-Shabaab ee Muqdisho.

Howlgalkaan ayaa labo habeen ka hor ka dhacay xaafadda Xamar Jadiid ayaa lagu soo qabtay madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa canshuuraha gobalka Banaadir oo ah qof dumar.

Ciidankaan ayaa la sheegay in mid ka mid ah mobeellada ay isticmaasho haweeneydaan ay ku xireen qalabka sheega qofka meesha uu joogo kadibna ay galeen gurigeeda oo ku yaala Xamar Jadiid, waxaana sidoo kale halkaas laga soo qabtay 3 qof oo kale.

Guriga la wareeray oo albaabkiisa lagu furay bam gacmeed, ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku xirnaayeen kaamirooyinka qarsoon ee CCTV, sida ay noo sheegeen xubno kamid ah kooxdii weerarka fulisay.

Sida aan Xogtaan ku helnay Haweeneydaan ayaa badashay madaxii Al-Shabaab ee canshuuraha, kaas oo bilo ka hor isagana laga qabtay Muqdisho walina ku jira gacanta dowladda.

Haweeneysan Gacanta lagu dhigay ayaa  isticmaashaa dhowr SIM CARD iyo sidoo kale magacayo badan oo ay ka mid yihiin Marwo Sahro, Tabliiqada iyo magacyo kale.

Wali hay’adaha dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin arrintaan waxaana la sheegayaa in ay ku socdaan baaritaano iyada iyo rag kale oo la soo qabtay.