MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Addis-abbaba ee dalka itoobiya ayaa sheegaya in heesaagii da’da yaraa ee si weyn looga yaqaanay dalkaas la toogtay.

Heesaaga ayaa lagu magacaabi jiray Haacaaluu Hundeessaa, waxaa lagu dilay bartamaha magaalada Addis-abbaba saacaddu markay ahayd 9:30 pm ee fiidnimo.

Taliyaha booliska Magaalada   Addis Ababa Getu Argaw ayaa xaqiijisay dilka , waxaana dhaawac soo gaaray loola cararay Isbitaal oo uu ugu dambeyntii ku geeriyooday.

Warka ku saabsan dilkiisa ayaa waxaa si weyn uga naxay bulshada Itoobiya iyada oo dad badan oo Itoobiyaan ah ay u baroorteen geeridiisa, oo ay cambaareeyeen dilka.

Taliyaha Booliska Magaalada Adis ababa ayaa sheegay in dhowr qof loo qabtay tuhun ah in ay dilka ka dambeeyeen dilka.