Muqdisho-Ayaamaha-Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa heshiis cusub ka gaaray arrimaha xajka, oo xajkii tagay ay hareeyeen caqabado dhowr ah, sida uu sheegay wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta Sheekh Nuur Maxamed Xasan.

Heshiiskan ayaa yimid kadib markii wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta Soomaaliya uu tagay dalka Sucuudiga halkaasi oo uu kulamo kula yeeshay madaxda dalkaasi, oo ay ka wada hadleen sidii xujeyda Soomaaliyeed loogu  fududeynta lahaa arrimaha xajka.

Wasiir Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa sheegay isagoo jooga magaalada barakaysan ee Makka Al-mukaramah uu maanta kula kulmay madaxda wasaaradda Xajka & Cumrada Sucuudiga,wuxuuna xusay inay kala saxiixdeen heshiis la xiriira wadashaqaynta arrimaha Xajka iyo sidii xujeda loogu fududeyn lahaa soo gudashada acmaasha sanadka 1441/2020.