MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiir ka tirsan dowladda Federaalka Hindiya ayaa sheegay dagaalki toddobaadkan xadka ku dhex maray labada dal iney Shiinaha ay uga dileen ugu yaraan 40 askari.

Labada dal ee ku hubeysan hubka Niyuukilarka Axaddii wuxuu dagaal ku dhex maray xad ay labada dal wadagaan.

Shiinaha ayaan dhankeeda weli ka hadlin qasaaraha dagaalkaasi ka soo gaaray, dagaalkaasi oo ay ciidamada labada dal ay gacan isula tageen.

Dagaalka ayaa Beijing iyo Delhi ku dhex maray dhulka buuraleyda ee Galwan oo ay labada dal sida weyn isugu hayaan dal kastana uu lahaanshaha dhulkaasi sheegto.

“Dhanka Hindiya haddii ay 20 askari ay ka shahiideen, Shiinahana ugu yaraan dagaalka waxaa ka soo qaaray qasaara laba jibbaar ah” ayuu yiri wasiirka gaadiidka iyo waddooyinka ee Hindiya V.K.Singh oo u warramayey TV News24.

Singh oo horay u ahaa saragaal milatariga Hindiya ka tirsan ayaan hadalkiisaasi wax caddeyn ah u keenin.

Wuxuuna Sheegay taariikh ahaan dalka Shiinaha inuu weligii qiranin qasaara dagaal ka soo gaaray, tani iyo dagaalki Hindiya iyo Shiiaha dhexmaray 1962-kii.

Warbaahinta afka dowladd Shiinaha ku hadasha ee Global Times waxay mar sii horreysay sheegtay inuu Shiinaha dagaalkaasi qasaara ka soo gaaray balse qasaarahaasi waxa uu yahay faahfaahin kama bixin.

Singh wuxuu sheegay Hindiya ciidamada Shiinaha ee dhulka Hindiya ku go’doonsanaa iney ku wareejiyeen Shiinah iyada oo ay xiisaddu weli taagan tahay.

Wasiirka gaashaandhigga Hindiya Bharat Bhushan Babu ayaa ka gaabsaday inuu wax ka yirahdo hadalka Singh ka soo yeeray.