MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa umagacaabay Xil Culus Lataliyihii hore Ee Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Xilka Cabdi Cali Raage Loo magacaabay ayaa ah Lataliyaha Dhinaca Siyaasada iyo ololaha Doorasho uu Madaxweyne Farmaajo geli doono inuu ka taageero.

10-kii sano ee lasoo dhaafay Mr Raage waxa uu ahaa mid ka mid ah Xubnaha Siyaasadooda ay muuqatay,waxaana lagu xasuustaa doorkii Jubbaland State iyo Aas aaskeeda ku lahaa.

2016-kii ilaa 2019-kii Cabdi Cali Raage waxa uu ahaa Lataliyaha dhinaca siyaasada Axmed Madoobe ka hor inta aysan isku khilaafin doorashadii dhaweyd.

Raage waxa uu leeyahay Warbaahinta Madaxa Banaan Ee Sooyaal Xarunteeduna tahay Kismaayo,iyadoo dagaalka isaga iyo Axmed Madoobe uu ka bilowday markii uu taageeray Cabdi Rashiid Xiddig oo Madaxweynaha Jubbaland doonayey.

Xiddig iyo Raage ayaa isku heyb ah,iyadoo taas ayay sababtay in dhamaadkii 2019-kii Cabdi Cali Raage laga mamnuucay inuu Kismaayo tego,kadib Amar Jubbaland dul dhigtay Diyaaradaha Tega Magaaladaasi.

Hadda waxa uu deggan yahay Nairobi,waa Feyla suuf dhinaca Beesha Caalamka iyo xiriirka uu la leeyahay badan yahay,iyadoo Xilka loo magacaabay balse aan faafinta Rasmiga la gelin uu yahay mid umuhiim ah isaga oo hadii Farmaajo soo laabto Xil culus lasiin karo.