Jowhar-Ayaamaha-Guddomiyaha baarlamanka Hir-shabelle Sheikh Cismaan Barre Maxamed ayaa waxaa uu ka hadlay Xaalada amni,shaqada golaha shacabka hir-shabelle horyaalla iyo arrimo kale oo muhim ah.

Sheikh Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay in Xukuumada Hir-shabelle ay diyaarineyso qorshe cusub oo Gobolo iyo Degmooyin Cusub loogu soo kordhinayo Maamulka Hir-shabelle,waxaana uu intaasi raaciyey in hir-shabelle ay leedahay Degaano u qalmo degmooyin.

Guddomiyaha oo sii hadlaye ayaa sheegaya in Golaha baarlamanka uu muddo wajahay xaalad amni darro iyo mushaar la’aan Xildhibaanada heyssatay,islamarkaasina wali ay caqabad ku tahay shaqadii baarlamanka Maamulkaasi.

Maamulka Hir-shabelle ayaa ah Maamulka Caqabado badan wajahay oo ay ugu horeysay mid amniga oo masuuliyiin badan maamulka Al-Shabaab ay kaga dileen Weeraro dhabagal ah.