Hirshabeelle oo qorsheysay qabashada doorashada Lix Kursi

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Hirshabeelle ayaa Maanta oo Talaado ah shaaciyay Qabashada Doorashada Lix kursi oo kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu soo banshigay xilliga rasmiga ah ee la diiwaangelinayo Ergada lana tababarayo, isla markaana Doorashada ay dhaceyso 31-ka Bishaan.

Kuraasta Hirshabeelle ay shaacisay waqtiga la qabanaayo doorashadooda ayaa guddiga doorashooyinka ay horay u soo gudbiyeen.