HirShabeelle oo shuruud adag ku xirtay wada-hadal ay la gasho Jeneraal Xuud

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee maamulka HirShabelle Maxamed Cali Caadle ayaa ka hadlay xiisadda ka taagan Magaalada Beledweyne ee Caasimadda Gobolka Hiiraan kadib markii General Xuud uu ka hor yimid shirkii Golaha Wasiirada ee ka dhacay Beledweyne.

Caadle ayaa sheegay in Generaal Xuud uu hoggaaminayo kacdoonka ka taagan Hiiraan ee looga soo horjeedo maamulka HirShabelle ayaa sheegay inaysan wax wada-hadal ah la furi doonin General Xuud inta ay ka qabanayaan doorashada kuraasta aqalka hoose ee loo qorsheeyey inay ka dhacdo Beledweyne.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku sugan ciidamo diidan maamulka HirShabelle oo uu hoggaaminayo Jeneral Xuud, kaasi oo wacad ku maray inuu dagaal kaga hortagi doono in magaalada lagu qabto doorasho federaal.

Dhowr jeer oo kala duwan ayaa waxaa Magaalada Beledweyn ka dhacay dagaalo khasaare geystay oo dhex maray ciidamada General Xuud iyo kuwa Hirshabelle, waxaana fashilmay wada-hadalo la dhex waday Generaalka iyo madaxda Hirshabelle.