Hirshabelle oo shaacisay doorashada kuraas xasaasi ah oo uu ku jiro kan Fahad Yaasiin ee yaala Beledweyne

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga hirgelinta doorashada Hirshabeelle ayaa shaaciyay 13 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee taalla Magaalada Beledweyne.

Kuraasta la shaaciyey ee 13 kursi ayaa waxaa kamid ah kursi doorashadiisa aad loo hadal haayo, waana kan uu ku fadhiyo Xildhibaan Faarax Sh. Cabduqaadir ee hadane loo maleynayo inuu kusoo baxo Fahad Yaasiin oo ah lataliyaha arrimaha amniga ee Madaxweyne Farmaajo.

Fahad ayaa Saameyn xoogan ku leh siyaasada Soomaali, waxaana la rumeysan in kursiga xildhibaanimo uu sanadkaan isaga qaadan karo.

Sidookale kuraasta la shaaciyey waxaa ku jiro Hop#31 oo hada ku fadhiyo xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed (Gamadiid) ahna Wasiiru dowlaha Cadaalada Soomaaliya, sidookalena ah, xoghayaha guud ee xisbiga Himilo Qaran, waxaana la rumeysan inuu kusoo laaban doono kursigiisa, maadaama la sheegay in Beeshiisu ay aad ugu qanacsan tahay soo laabashadiisa.

Sidookale kursiga uu ku fadhiyo Wasiirka Ganacsiga Xukuumada Soomaaliya, Khaliif ayaa kamid ah kuraasta taala Beledweyne ee la shaaciyey, waxaana kursigaan damac kaga jiraa afhayeenka xukuumada Soomaaliya, Maxmaed Ibraahim Macalimow oo dhaawac ahaan dalka uga maqan.