Muqdisho-(Ayaamaha)-Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland ayaa sheegay in duqayn lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Daacishta Somalia.

Cabdisamad Maxamed Gallan oo ah wasiirka Amnga Puntland ayaa sheegay in duqaynta oo maanta dhacday lagu dilay Cabdixakiim Dhoqobeed oo ah ku xigeenka Shiikh Cabdulqaadir Muumin oo ah hogaamiyaha kooxda daacishta Somalia.

Qof kale oo aan weli la aqoonsan ayaa la sheegay inuu la dhintay ninkaasi, iyadoo duqeyntan ay ka dhacday tuulada xariiro ee Duleedka degmada Isku-shuban ee Gobalka Bari.

Sidookale wararka qaar ayaa sheegaya in dayuurad dagaal ay gantaal la heshay gaari ay la socdeen raggan oo ku safrayey degaanka Xariiro meel ku dhow.