Hogaamiyihii Al-Qaacida ee Suuriya oo duqeyn lagu dilay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Militariga Mareykanka ayaa dilay hogaamiyihii sare ee Al-Qaacida Cabdul Xamiid Al-Matar kadib duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Siiriya, sida uu sheegay afhayeenka taliska dhexe ee Mareykanka.

“Dilka hoggaamiyaha  sare ee Al-Qaacida waxay carqaladeyn doontaa awoodda ururka argaggixisannimo ee ah inay sii qorsheeyaan oo ay qaadaan weerarro caalami ah oo halis ku ah muwaadiniinta Mareykanka, shuraakadayada, iyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan,” ayuu Major John Rigsbee ku yiri bayaan qoraal ah oo soo baxay Jimcihii.

Ma jiro khasaare kale oo la ogyahay oo ka dhashay duqeynta, ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in la adeegsaday diyaarad MQ-9.

Duqayntan ayaa imanaysa laba maalmood ka dib markii la weeraray fariisin Maraykanku ku leeyahay koonfurta Suuriya.

“Al-Qaacida waxay sii wadaa inay halis u soo bandhigto Mareykanka iyo xulafadeena. Al-Qaacida waxay Siiriya u isticmaashaa gabbaad nabdoon si ay dib ugu dhisto, ula shaqayso la-hawlgalayaasha dibadda, una qorshayso hawlgallada dibadda, ”ayuu yiri Rigsbee.

Rigsbee ma uusan sheegin haddii duqeynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay fuliyeen aargudasho weerarka. Sidoo kale ma uusan sheegin aagga Suuriya ee duqeynta laga fuliyay.