Muqdisho-Ayaamaha-Hoggaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa la arkay iyadoo qarqareysa xilli ay ka qeybgaleysay munaasabad maanta ka dhaceysay magaalada Berlin, dhawaan ayay aheyd markii Angela ay ku dhacday arrintan oo kale.

Muuqaalka ayaa muujinaya Merkel oo gacmaheeda iyo jirkeeda ay gariirayaan muddo labo daqiiqo ah, waxaa ay eegeysay wasiirka caddaallada xilli uu barbar taagnaa isla markaasna uu jeedinayay khudbad.

Hoggaamiyaha Jarmalka ayaa markii la arkay iyadoo qarqareysa waxaa la siiyay koob biyo ah balse way diiday inay cabto.

Siddeed maalmood ka hor ayay aheyd markii ay la arkay iyadoo qarqareysa, waxaa ay sheegtay inay lasoo deristay xaalad fuuq bax ah.

Afahayeenka hoggaamiyaha Jarmalka waxaa uu sheegay in sida la qorsheeyay ay ku wajahantaay dalka Japan.

“Xaaladda hoggaamiyaha Federaalka waa ay wanaagsan tahay” ayuu yiri Steffen Seiber oo ah afahayeenka Merkel.

Wakaaladda wararka ee DPA ayaa ku warrantay inkasta oo cimilada dalkaas ay aheyd mid kulul balse goobtii ay munaasabadda ka dhaceysay hawadu waxay aheyd mid deggan. waxaana madaxweynaha Jarmalka uu shaacinayay cidda qabaneysa xilka wasiirka caddaalada.

Markii ugu dambeysay oo la arkay hoggaamiyaha Jarmalka oo qarqareysa waxay aheyd xilli ay barbar taagneyd madaxweynaha Ukraine,Volodymyr Zelensky, waxay cimiladu aheyd mid kulul.

Angela waxay xilliggaasi sheegtay inay caafimaaday markii ay cabtay biyo.

Maanta waxay ka qeybgashay munaasbad lagu caleemo saarayay wasiirka caddaalada Jarmalka, waxaa la qorsheeyay inay booqasho ku tegto Japan si ay uga qeybgasho shirka dalalka G20.

Merkel waxay wajaheysa wadahadalo adag Axadda iyada qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha reer Yurub si ay u helaan musharrax baddali karo madaxweynaha guddiga Midowga Yurub ee hadda xilka hayo Jean-Claude Juncker..

Muddo dheer ayay xilka heysay

Warbaahinta Jarmalka ee NTV waxay ku warrantay in Merkel sidoo kale arkay iyada oo qarqareysa sannadkii 2017-kii xilli ay booqasho ku joogtay dalka Mexico.

Waxay ku caanbaxday dulqaadashada marka ay shaqeyneyso, waxaana kamid ah in saqda dhexe ay ku gaari jirtay kulamada reer Yurub.Merkel oo u hambalyeeysay wasiirka cusub ee caddaaladda dalkaas

Waa markii afaraad oo ay hoggaanka u heyso dalka Jarmalka tan iyo bishii Nofembar ee sannadkii 2005-tii. waxaa ay sheegtay inay siyaasadda ka fariisan doonto sannadka 2021-ka.

Haddii hoggaamiyaha Jarmalka ay awoodi kari weyso xilkeeda waxaa la wareegi doonaa Olaf Scholz oo ah hoggaamiye ku-xigeenka ahna wasiirka maaliyadda dalkaas.

Caafimaadka Merkel ayaa ahaa mid wanaagsan, xitaa mararka waxay shaqada qaranka kasoo qaban jirtay guriga kaddib 2011-kii oo ay martay qalliin jilibka ah, waxay taagnida ka dhacday sannadkii 2014-kii mar ay ka qeybgaleysay ciyaaraha lagu socdo dhulka barafka ah.

Xigasho BBC