Kim Jong-un Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa ka dagay dalka Vietnam, isaga oo ka qayb galaya shir uu la leeyahay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Kulankan labaad ee ay yeelanayaan Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa dabo socda wareeggii koobaad ee taariikhiga ahaa ee sannadkii hore ka dhacay dalka Singapore.

Tareenka cagaarka iyo jaalaha ka kooban ee waday Kim ayaa tagay Dong Dang, safarkii uu kaga sii aaday Hanoi wuxuu u raacay gaari.

Kooxda baambayda iyo dad calamo wadhfinayo oo hareero taagan roog cas oo la goglay ayaa soo dhaweeyay.

Waa meel ku haboon marka dhinacyo badan laga fiiriyo. Waxay xiriir dublamaasi la leedahay Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi, inkastoo ay mar cadaw la ahaayeen Maraykanka haddana waa meel uu Maraykanku tusaale u soo qadan karo marka laga hadlayo in labo dal ay wada shaqeeyaan oo colaaddii la soo maray laga gudbo.

Afkaar ahaan Vietnam iyo Kuuriyada Waqooyi waa dalal shuuci ah, inkastoo Veitnam ay horumar dhaqaale samaysay, noqotayna mid ka mid ah dalalka uu dhaqaalahoodu ugu korniin badan yahay qaaradda Aasiya, inkastooo xisbiga talada haya uu awooddii oo dhan haysto.